Xirmada Aasaasiga ah ee Adeegyada Caafimaadka oo laga bilaabey Soomaaliya si loo wanaajiyo caafimaadka hooyada iyo dhallaanka

0
918

UNFlagDowladda Federaalka Soomaaliya oo gacan ka heleysa saddex hay’adood oo Qaramada Midoobey ah ayaa maanta bilowdey mashruuc ballaaran oo cusub oo dhammaan Soomaalida lagu siinayo adeegyo caafimaad oo dhammeystiran lacag la’aanna ah.

Xirmada Aasaasiga ee Adeegyada Caafimaadka, oo ah habka cusub ee ay Soomaaliya hadda u qaadatey bixinta adeegyada daryeelka caafimaadka aasaasiga ah, waxaa uu higsan doonaa in uu sii wanaajiyo caafimaadka guud ahaan dadweynaha. Barnaamijyada ugu muhiimsan waa – in la sii wanaajiyo caafimaadka hooyada, kan taranka, iyo carruurta dhowaan dhashey iyo kan carruurta kale; la dagaallanka cudurrada faafa; sii wanaajinta la-socoshada iyo xakameynta cudurrada, taas oo ay ka mid tahay sii-wanaajinta biyaha iyo fayadhowrka; bixinta gargaarka degdegga ah iyo daryeelka kuwa aad u xannuunsan iyo kuwa dhaawaca ah; daaweynta cudurrada dadka ku badan iyo HIV, caabuqyada galmada la isugu gudbiyo, iyo qaaxada.

“Xirmada Aasaasiga ah ee Adeegyada Caafimaadku waxaa ay wax weyn ka tari doontaa badbaadada iyo koboca carruurta, iyo yareynta dhimashada hooyooyinka. Waxaa ay sidoo kale jaangoyneysaa, is-waafajineysaa oo ay iskudhafeysaa adeegyada aasaasiga ah ee daryeelka caafimaadka ee dalka,” ayaa uu yiri Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiir-ku-xigeenka Caafimaadka Dr Axmed Aadan Axmed.” Waxaan jeclahay in aan amaano taageerada iyo iskaashiga joogtada ah ee Wada-hawlgalayaasha Qaramada Midoobey iyo hay’adaha deeq-bixiyeyaasha ee gacanta innaga siinaya xoojinta adeegyada la siiyo dadka Soomaaliyeed.”

Colaad labaatan sano socotey ayaa burburisey waaxdii caafimaadka ee Soomaaliya, taas oo dalka ka dhigtey mid ka mid ah kuwa leh tilmaamayaasha caafimaadka iyo nafaqada ee ugu liita dunida oo dhan. Qiyaastii mid ka mid ah shantii carruur ah ayaa dhinta ka hor inta uusan shan sano jirsan. Sababaha ugu badan ee dhimashada ku keenana waa oof-wareen, shuban iyo jadeeco – iyo sidoo kale caabuqyo iyo dhibaatooyin kale oo la soo gudboonaada bisha ugu horreysa noloshadooda. Intaa waxaa dheer, laba saac oo kasta haweeney Soomaali ah ayaa u dhimata dhibaatooyin la xiriira uureysiga.

“Qaramada Midoobey waxaa ka go’an in ay taageerto dib-u-dhiska nidaamkii caafimaadka ee Soomaaliya ee burburey. Sii xoojinta dadaalka aan wadajir u wadno ee aan kor ugu qaadeyno waxqabadka ku aaddan caafimaadka taranka, hooyada, carruurta dhowaan dhalatey iyo badbaada carruurta kale waa tallaabo muhiim ah oo qayb ka ah dadaalkan,” ayaa uu yiri Phillipe Lazzarini, oo ah Madaxa Qaramada Midoobey iyo Xiriiriyaha Hawlaha Bani’aadamnimada ee Soomaaliya.

Maamullada caafimaadka ee Soomaaliya oo shaqeynaya iyaga oo taageero ka heleya UNICEF, WHO iyo UNFPA ayaa Xirmada Aasaasiga ah ee Adeegyada Caafimaadka ka bilaabaya sagaal gobo loo dalka ka mid ah. Tani waxaa ay hubineysaa in la helo adeegyo kala duwan, in xarumaha caafimaadka ay ahaadaan kuwo si ka wanaagsan sida hadda u qalabeysan oo furanna saacadp ka badan kuwa hadda iyo in la kordhiyo tirada shaqaalaha daryeelka caafimaadka.

“Bilaabidda Xirmada Aasaasiga ah ee Adeegyada Caafimaadka waa tallaabo kale oo muhiim ah oo lagula dagaallamayo dhimashada iyo xannuunnada hooyooyinka iyo carruurta ku dhaca iyada oo loo marayo waxqabad wadajir ah oo dhammeystiran,” ayaa uu yiri Sikander Khand, oo ah Wakiilka UNICEF Somalia. “Waa mas’uuliyad na saaran dhammaanteenna – deeq-bixiyeyaasha, Hay’adaha Qaramada Midoobey, maamullada iyo bulshooyinka in arrintan aan ka dhigno mid shaqeysa.”

Xirmada Adeegyada Aasaasiga ah ee Adeegyada Caafimaadka oo uu hadda taageerayo barnaamijka Wadajirka ah ee Caafimaadka iyo Nafaqada waxaa ay sidoo kale waafaqsan tahay hindisa Higsiga Cusub, Heshiiska Soomaaliya (Somali compact) iyo Siyaasadda Lixda Tiir ee Soomaaliya ee nabad-dhisidda iyo qaran-dhisidda. Intaa ka sokow, waxaa ay gacan ka geysaneysaa hirgelinta Siyaasadaha Caafimaadka iyo Nafaqada iyo Qorshaha Istiraatiijiga ah ee Waaxda Caafimaadka ee Soomaaliya.

“Xoojinta nidaamka caafimaadku waa habka ugu wanaagsan ee lagu wanaajin karo natiijooyinka caafimaadka; waxaana bixinta Xirmada Aasaasiga ee Adeegyada Caafimaadka ay bud-dhig u tahay badbaadinta nolosha hooyooyinka iyo carruurta,” ayaa uu yiri Dr. Ghulam Popal, oo ah Wakiilka WHO Somalia. Xirmada Aasaasiga ah ee Adeegyada Caafimaadka waxaa hirgelinteeda loo marayaa la-hawlgalayaal kala duwan, oo ay soo xushey Dowladda, si ay gacan uga geystaan in xirmada la gaarsiiyo degaannada ay gaaristoodu adag tahay.

“Xirmada Aasaasiga ah ee Adeegyada Caafimaadka waxaa ay dadka reer-miyiga ah iyo kuwa saboolka ah awood u siineysaa in ay ka faa’iideystaan xirmo caafimaad oo dhammeystiran oo sal u noqonaysa sii xoojinta adeegyada daryeelka taranka iyo kan degdegga ah ee uurreyda iyo umulaha,” ayuu yiri Cheikh Cisse, Wakiilka UNFPA Somalia.

Hindisaha Xirmada Aasaasiga ah ee Adeegyada Caafimaadka, oo socon doona ilaa dhammaadka sanadka 2016ka, waxaa uu sidoo kale diiradda saari doonaa dhisidda kartida hay’adeed, iyada oo loo marayo tababaridda shaqaalaha caafimaadka, taageeridda dejinta siyaasadaha iyo dib-u-habeynta waaxda caafimaadka.