Xisbiga ODM oo ku baaqay in Ciidamada Kenya laga soo saaro Soomaaliya, si loo bad baadiyo…

0
950

KenyanMilitaryXisbiga Mucaaradka dalka Kenya ee ODM ayaa ku baqay in laga soo saaro ciidamada ku sugan Soomaaliya, si loo bad baadiyo nolosha dadka Kenyanka ah.

Baaqan ayaa ka dambeeyay kadib markii weeraro si joogta ah uga dhacayeen gudaha Kenya, tan iyo wixii ka dambeeyay markii Ciidamada Kenya ay gudaha u galeen Soomaaliya dhamaadkii sanadkii 2011.

Xisbiga ODM ayaa ka dalbaday dowladda inay keento qorshe cad oo ku aadan sidii Ciidamada Kenya looga soo saari lahaa gudaha Soomaaliya, taasoo xal u ah in degenaanshaha dalka uu dib gacanta ugu soo laabto

Sii hayaha xilka Hogaamiyaha Xisbiga ODM Anyang Nyong ayaa sheegay in dowladda looga baahan yahay inay xasiliso ammaanka gudaha dalka, oo mudooyinkii u dambeeyay ay ka dhacayeen weeraro argagixiso.

Labadii habeen ee u dambeeyay ayaa waxaa weeraro ka dhacayay Caasimada Nairobi iyo caasimada labaad ee Mombasa, halkaasoo dad ka badan shan ruux ay ku dhinteen qaraxyo bambaano lagu weeraray goobo kala duwan.

Weerarkii ugu xumaa ee Kenya ka dhacay ayaa ahaa 21-kii bishii September 2013, markii rag hubeysan ay gudaha u galeen Xarunta Ganacsiga Westgate Mall ee magaalada Nairobi, halkaasoo ay ku dhinteen ilaa 70-ruux.

Al-Shabaab ayaa sheegtay weerarkaas, iyagoo ku hanjabay inay qabuuro ka dhigayaan magaalooyinka dalka Kenya, hadii aanay ciidamadooda kala bixin Soomaaliya.

Kenya ayaa ka mid lix dal oo ka qeyb qaadanaya howl galka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM, waxaana kumanaan ciidan ay kaga sugan yihiin Kismaayo, deegaano ka tirsan Jubada Hoose iyo Gedo.

Jowhar