Xog-hayihii hore ee gobolka Banaadir, Cabdikaafi Hilowle Cismaan ayaa maanta lagu dilay qarax ka dhacay magaalada Muqdisho, sida uu warbaahinta u xaqiijiyay walaalkiis, Xasan Hilowle.
Qaraxa oo lala eegtay gaariga Cabdikaafi ayaa ka dhacay agagaarka KM4, waxaana sidoo kale ku dhintay dhowr askari oo ka tirsanaa ilaaladiisa.
Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa.
Boolis iyo gaadiidka gurmadka deg-degga ah ayaa gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay.
Saaka ayaa ciidanka booliska Soomaaliya waxay fashiliyeen qarax gaarigiisa loogu xiray xildhibaan Cabdullaahi Axmed Xuseen oo ka mid ah mudaneyaasha baarlamaanka Soomaaliya.
Bar-kulan