Soo Laabashada Soomaalida Qurbaha: Aragtida iyo Saameynta

0
1326

 

Qurba-joogta Soomaaliya kusoo laabtay waa kuwa aad uga muuqda dalka. Soo laabashadoodu waxay dhalisay dood ku saabsan qurba-joogta iyo sida uu dalku uga faa’iideysan karo ‘hantida’ ay lasoo laabteen. Haddii aanay colaad baahsan dib ugu soo laaban gayiga Soomaalida, soo noqoshada qurba-joogtu way sii socon doontaa. Marka la eego xasilloonida sii kordheysa ee dacallada dalka, waxaa la oddorosi karaa in soo laabashada qurba-joogtu ay korodho.

Kaalinta ay qurba-joogtu ka qaadato dibu dhiska dalka wuxuu ku xirnaan doonaan sida ay ugu milmaan guri-joogta. Tani waxay u baahnaan doontaa in qurba-joogtu aysan iska soocin guri-joogta, si qumaati ahna ula shaqeeyaan. Sidoo kale, waxaa lagama maarmaan ah in Soomaalida aan dalka ka bixin ay soo dhaweeyaan qurba-joogta soo laabaneysa ee dalkooda ka irdhoobay xilligii colaadda.

Qoraalkan, Maymuuna Maxamuud. oo ah cilmi bare ka tirsan Machadka Heritage, ayaa waxa ay eegaysaa fursadaha iyo caqabadaha ku harreeraysan soo noqoshada qorbe-joogta Soomaaliyeed – iyada oo si gooni ah u eegaysa Soomaalida ka soo noqotay Maraykanka iyo Norway.