Booliiska dalka Kenya ayaa xaqiijiyey in ay 15 qof ku dhinteen kaddib weerar kale oo xalay lagu qaadday meel u dhow deegaanka Mpeketoni ee gobolka Xeebta.
Dagaalyahanno hubeysan ayaa weeraray tuulada Poromoko oo ka tirsan Mpeketoni, iyadoo wararku ay sheegayaan in la beegsaday guryo iyo xarumo ganacsi, dabna la qabadsiiyey gawaari.
Wasiirka arrimaha gudaha ee Kenya Joseph Ole Lenku ayaa sheegay in kooxaha weerarka geystay ay burburiyeen qalabkii ay ku shaqeyneysay xarunta shirkadda isgaarsiinta Safaricom ay ku leedahay deegaanka ka hor inta aysan dadka leyn.
Isgaarsiinta iyo korontada oo ka go’day tuulada Poromoko ayaa sababtay in khasaare badan ay geystaan kooxda weerarka soo qaadday sida saraakiishu ku warramayaan.
Dhanka kale guryo ayaa la gubay tuulada Mapenyo oo isla aagga uu weerarka ka dhacay ku taalla, booliiska ayaa sheegayo in ay baarayaan in dhacdadan ay la xiriirto aargoosi.
Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan u dambeeyey, waxayna sheegtay in ay dishay askar booliis ah iyo qaar kale oo ka tirsan ciidanka ilaalada duur-joogta.
Weerarkan ayaa imaanaya xilli habeennimadii axadda inkabadan 48 qof lagu dilay deegaanka Mpeketoni ee magaalada Lamu ee dalka Kenya, iyadoo aysan jirin cid wali ay ciidanku u xireen dhacdadaasi.
Bar-kulan