Saddex qof ayaa ku dhimatay labo kalena way ku dhaawacmeen dagaal dad reer miyi ah galabta ku dhexmaray deegaanka Oorshe oo 50 km dhanka bari uga beegan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.
Muuse Cali oo ka mid ah waxgaradka deegaanka Oorshe ayaa Bar-kulan u xaqiijiyay in dagaalka uu ka dhashay muran la xiriira dhul laga qadayo barkad biyaha laga cabo.
Muuse ayaa ku tilmaamay dagaalka mid aad looga xumaado, wuxuuna dadka deegaanka u jeediyay inay sameeyaan xabbad-joojin iyo in ay ka shaqeeyaan nabadda iyo horumarka.
Qaar ka tirsan waxgaradka iyo odayaasha deegaanka Oorshe ayaa ku howlan xallinta colaadda.
Bar-kulan