7 qof oo ku dhimatay iska hor-imaad ka dhacay duleedka Kismaayo

0
1163
Markacadeey.com

Markacadeey.comToddoba qof ayaa ku dhimatay mid kalana wuu ku dhaawacmay iska hor-imaad xalay fiidkii ka dhacay koontaroolka Fiya Afmadoow ee duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.

Iska hor imaadka ayaa u dhaxeeyay maleeshiyo ka tirsan al Shabaab iyo ciidanka maamulka KMG ah ee Jubba oo gacan ka helayay kuwa AMISOM, sida uu kusoo warramayo wariyaha Bar-kulan ee magaalada Kismaayo.

Dadka dhintay waxa ay ka tirsanaayeen dhinacyadii dagaallamay.

Sarkaal ka tirsan ciidanka maamulka KMG ah ee Jubba ayaa sheegay in Maleeshiyada Alshabaab ay soo qaadday weerarka, ayna ka dileen shan qof, isagoo xusay inay soo bandhigi doonaan meydadkooda.

Wuxuu tilmamay in dhankooda laga dilay laba askari, halna uu ka dhaawacmay.

Bar-kulan