Ahmed Madoobe oo Weerar Ku ah Goobweyn

0
931

Kismayo20130608Ilo wareedyo ku sugan Magaalada Kismaayo, ayaa sheegaya in Hoggaamiyaha Maleeshiyada Raaskambooni, Axmed Madoobe uu wado qorshe Cusub oo lagu weeraraayo Deegaanka Goobweyn ee Duuleedka Magaaladda Kismaayo.

Ilo wareedka ayaa intaa kusii daraayo in Maleeshiyaadka Raaskambooni ay la soo baxeen Gaadiidka Dagaalka, waxaana jiro warar hoose oo sheegayo in Dagaalka lala damacsan yahay ay ka qeybqaadan doonaan Ciidamada Kenya ee Kismaayo ku joogo Magac AMISOM.

Maleeshiyaadka Axmed Madoobe, ayaa waxaa sidoo kale lagu daadiyay inta badan Isgooysyada iyo Wadooyinka Magaalada, kuwaasi oo la sheegay inay ilaalo gaar ah ka hayaan Wadooyinka si aan Ciidamada Barre Hiiraale wadooyinka ugu aasin Miinooyin.

Lama Oga sida uu xaalku ahaan doono waxaana laga cabsi qabaa in Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Kenya ee garbinaayo Maleeshiyaadka Raaskambooni duqeyn ka geystaan xarumaha Axmed Madoobe ee Duleedka Kismaayo.

Warkii