Al Shabaab oo jidka u galay Ciidamada Kenya ee Gobolka Gedo

0
1055

Dhalinyarada20130618Wararka laga helayo Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Dagaal yahano ka tirsan Ururka Al Shabaab ay jidka u galeen Kolonyo Gaadiid ah oo ay la socdeen Ciidamada Dowladda Kenya ee AMISOM.

Al Shabaab ayaa dhabaha u galay Ciidamadan Kenyaanka ah ee ka soo baxay Degmada Ceel-Waaq kuwaa oo ku sii jeeday Degaanka Ceel-Cade ee Gobolka Gedo Iyadoona Al Shabaab ay halkaasi ku gubeen 1 Gaari.

Ilaa iyo hada qasaaraha dhabta ee ka dhashay Weerarkan gaadmada ee lagu qaaday Ciidamada Kenya ayaa la ogeyn maadaama uu go’an yahay qadka Taleefonka islamarkaana aan la ogaan Karin waxii jira.

 Shabelle