Al Shabaab oo sheegay in ay la dagaalamayaan Maamul Goboleedyada

0
920

ShabaalCaliDheereAfhayeenka Xarakada Al Shabaab Sheekh Cali Max’ud Raage ( Cali Dheere) oo la hadlay Warbaahinta ku hadasha afka dhaq dhaqaaqa Al Shabaab ayaa sheegay in ay la dagaalamayaan cid weliba oo ku howlan sameynta Maamul Goboleedyada dalka.

Cali Dheere ayaa ku nuux nuuxsaday in sameynta Maamul Goboleedyada ay ka dambeeyaan Dowladaha Reer Galbeedka oo uu sheegay in ay uga golleeyihiin in ay kala googooyaan Soomaaliya.

“ maanta dalkii oo dhan waa la gooy gooyay tuulo tuulo ayaa look ala jaray , Afgooye oo 30 Km u jirta Muqdisho ayaa laleeyahay loogama taliyo xamar ciddii diidana waa lala dagaalamaa sida Al Shabaab taas wax aan yeeli karno maaha waan la dirireynaa dhammaan waxa loogu yeero Maamul Goboleedyada” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Hadalka Afhayeenka Al Shabaab Sheekh Cali Max’ud Raage Cali Dheere ayaa imaanaya xilli dalka maalmihii dambe looga dhawaaqayay Maamul Goboleedyo kala duwan oo qaar ka mid ah ay aqoonsatay dowladda Soomaaliya sida Maamulka Koofur Galbeed ee Seddexda Gobol.

Shabelle