Al-shabaab oo Sheegtay in Dagaalkii Bakool ay ku Laayeen Ciidamo Itoobiyaan ah

0
961

ShabaabBarawaCiidaXarakada Al-Shabaab ayaa waxa ay faah-faahin ka bixiyeen dagaalo culus oo shalay ka dhacay Gobalka Bakool, kaasi oo udhaxeeyay ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya kuwa Amisom iyo ciidanka New Police oo isku dhinac ah iyo Ururka Al-Shabaab oo kasoo horjeeda.

Guddoomiyaha Al-Shabaab ee Gobalada Baay iyo Bakool Sheekh Cabdullaahi Macallim Geedow oo la hadlay Idaacada Andulus, ayaa wuxuu sheegay in dagaalada ka dhacay Gobalka Bakool khasaaro lixaad leh ay ku gaarsiiyeen ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya.

Sheekh Cabdullaahi Macalim Geedow, ayaa sheegay in dagaalka uu ahaa mid aad uculus shalay subaxdiina ay soo qaadeen sida uu yiri ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya oo wadajir ah, balse ciidamada Shabaab ay siweyn isaga caabiyeen dagaalkaasi.

Kudhawaad 40-askari oo isugu jira Saraakiil ciidamada Soomaalida iyo kuwa Itoobiyaanka, ayuu sheegay inay ku dileen dagaalo saddex maalin ka dhacay Gobalka Bakool sida uu yiri Sheekh Cabdullaahi Macallim Geedow oo ah Guddoomiyaha Al-Shabaab ee Gobalada Baay iyo Bakool.

Ujeedada ka dambeyso dagaalkaan, ayuu ku tilmaamay inay tahay in shacabka degan Gobalka Bakool la doonayo in cadoowga gacanta loo galiyo sida uu yiri oo in la gumeysto ay doonayaan ciidamada Itoobiyaanka, balse ay kaga hortagayaan ciidamada Al-Shabaab dagaalo.

Dagaaladii ugu dambeeyay ee Gobalka Bakool ka dhacay waxa ay dhaceen shalay subaxdii, waxaana ay ahaayeen dagaal culus oo dhexmaray ciidamada Dowladda oo kaabaya kuwa Itoobiya iyo kuwa New Police iyo Al-Shabaabka oo kasoo horjeeda.

Deeganada ku xeeran Caato oo Xuduudka ku dhaw waxa ay noqotay furumo dagaal oo ay faraha isugula tagaan dhinacyada halkaasi ku dagaalamaya.

Warkii