Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Magaalada Buulo burde ee Gobalka Hiiraan, rag hubaysan oo wata dharka ciidamada Milateriga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dagaal ku qaaday fariisin ciidamada Jabuuti ay ku leeyihiin Magaaladaasi.
Labadan nin oo watay dharka tuutaha ee ciidamada Milateriga ayaa rasaas ku harqiyay fariisinka ciidamada Jabuuti ay ku leeyihiin Nawaaxiga Hoteelka Camaloow oo ah halkii Al-Shabaab ay horay weerar toos ah iyo Ismiidaamin ay uga geysteen,markii ciidamada Dowladda ay la wareegeen gacan ku haynta Buulo burde.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada Jabuuti uu khasaaro kasoo gaaray weerarkaasi, inkastoo aan la ogeyn inta uu la eegyahay Khasaaraha kasoo gaaray weerarkaasi.
Labada nin ee weerarka soo qaaday ayaa goobta lagu dilay, kadib dagaalkii tooska ahaa ee dhexmaray, iyaga iyo ciidamada Jabuuti, dad goobjoogayaal ah ayaa sheegaya in khasaaro uu soo gaaray ciidamada Jabuuti.
Bogga Idaacada Andulus ee Afka Al-Shabaab ku hadla ayaa lagu qoray in weerarkaasi uu ahaa mid qorsheysan, sidii loogu talo galayna uu ku dhacay, oo labo nin oo kamid ah Al-Shabaab qeybta Ismiidaaminta ay geysteen weerarkaasi.
Saraakiisha ciidamada Jabuuti iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Degmada Buulo burde weli kama aysan hadlin weerarkaan ka dhacay Magaalada Buulo burde.
Al-Shabaab ayaa horay Buulo burde uga geystay weerar xoogan oo ay ku dileen Saraakiil ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, markii qarax Ismiidaamin iyo Dagaal toos ah ay ku qaadeen.
Warkii