Baarlamaanka Puntland oo Madaxweyne Gaaz Su’aalo ka weydiinaya Arinta Sool, Sanaag iyo Cayn

0
900

AbdiweliPuntlandMeetsAmericans20140503_1Baarlamaanka Puntland ayaa waxaa uu Maanta Su’aalo waydiinayaa Madaxweynaha Maamulkaas Mudane Cabdi wali Maxamed Cali Gaas oo isagu dhawaanahaanba safar dhanka Dibada ah uga maqnaa Puntland isagoo kulamo la soo qaatay Madax badan oo Caalamka ah kuwaas oo uu ugu Dambeeyay Madaxweynaha Dowladda Kenya.

Baarlamaanka ayaa waxaa ay Madaxweynaha Su.aalo ka waydiinayaa arimaha ka jira Gobolada Sool Sanaag iyo cayn oo dhawaanahaanba uu ka taagnaa Muran siyaasadeed oo ka dhex taagnaa Maamulada Puntland Khaatumo iyo Somaliland iyadoo dhowr Jeer Maamuladaas ay Hawada isku mariyeen Hadalo Kul kulul.

Madaxweynaha ayaa waxaa uu dhowr mar oo hore sheegay in Goboladaas ay yihiin Dhul ay leeyihiin dadka reer puntland isla markaana ay waajib tahay in la soo celiyo waxaana markii la dooranayay Cabdi wali Gaas waxyaabihii uu balan qaaday ka mid ahaa in dhulkaas uu soo celinayo.

Warkii