Baarlamaanka Puntland oo uu kalfadhi u furmay

0
893

DoorashadaPuntland20140108_1Kal-fadhigii 33-aad ee baarlamaanka maamulka Puntland ayaa maanta ka furmay magalaada Garowe eee xarunta maamulkaas.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar ayaa furitaanka kulanka baarlamaanka ka jeediyay khudbad uu kaga hadalay arrimaha aminiga, dhaqaalaha, baahinta xukunka iyo dimuqyraadiyadda, isagoo xusay in dhammaan arrimahaas ay ku guuleystaan.

Wuxuu kaloo sheegay in khilaafka u dhexeeyo dowladda federaalka ee Soomaaliya iyo Puntland xalkeeda lagu jira, iyadoo la kaashanayo beesha caalamka.

Kal-fadhiga baarlamaanka Puntland ayaa la filayaa in looga hadlo xisaab xirka maamulka iyo arrimo la xiriira kaabayaasha dhaqaalaha.

Bar-kulan