Qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Baay ayaa si weyn u soo dhaweeyay Heshiiska maalinimadii shalay lagu kala saxiixday magaalada muqdisho.
Wariyaha Radio Muqdisho ee Gobolka Baay Siraaji Sheekh Isxaaq ayaa ku soo waramay in siyaasiyiinta,waxgaradka,Culimaa’udiinka Iyo Qeybaha Kale ee bulshada magaalada Baydhabo laga dareemayo shalay wixii ka dambeeyay taageerada loo muujinayo heshiiskaasi iyo sida uu miro dhal u noqon lahaa iyagoo ku amaanay dowladda Soomaaliya aqoonsiga ay siisay Maamulka Sadexda Gobol Kaas oo soo Afjaray is qabqabsi iyo kala aragti duwanaansho ka dhex taagnaa siyaasiyiinta Deegaanadaasi ka soo jeeda.
Hadal heynta ugu badan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa maanta ah heshiiskaasi iyadoo xubnaha ku jira maamulka la isku Raacay maalinimadii shalay ay Qaban qaabinayaan isku soo Baxyo lagu taageerayo Heshiiska la gaaray.
Dadweynaha Magaalada Baydhabo qaarkood oo wariyaheenu la kulmay ayaa ku waramaya in heshiiska laga gaaray is qab qabsiyadii dhinaca maamul u sameynta deeganadaasi uu yahay horumar laga sameeyay dhinaca Wadahadalka Farxad weyna ay ku abuurtay bulshada ku nool deeganaasi oo ay Colaado ba’ani ay saameen ku yeelatay Noloshooda.
Radio Muqdisho