Britain oo $136 Milyan ku bixineysa dib u dhiska Soomaaliya

0
887

FlagUKDowladda Britain ayaa sheegtay inay wado dadaallo dib loogu dhisayo Soomaaliya,gaar ahaan mashaariicda gargaarka iyo horumarka.

Warbixin qoraal ah oo maanta kasoo baxday xafiiska ra’iisul wasaaraha Britain David Cameron oo looga hadlayay joojinta qaadka ee dalkaas, ayaa lagu sheegay in 80 Milyan oo Pound oo u dhiganta 136 Milyan oo Dollar ay dowladda Britain ugu talagashay barnaamijyada shaqo u abuurista dhalinyarada iyo gargaarka lagu quudinayo carruurta.

Dowladda Britain waxey sheegtay inay ka qeyb qaadatay dadaallada loogu guuleystay burcad badeedda Soomaalida ee dhibaatada ku hayay maraakiibta mara xeebaha Soomaaliya iyo gacanka Cadan, ayna sii waddo dagaalka lagula jiro kooxaha xag-jirka ah.

Sidoo kale waxa ay tilmantay dowladda Britain inay ka qeyb qaadatay badbaadinta dadka Soomaalida ah, abaartii ka dhacday dalka sanadkii 2011-kii.

Bar-kulan