Kusimaha Wasiirka ahna Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Buri’ Mohamed Hamza ayaa maanta kaga gudoomay xafiiskiisa Copy ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo, safiirka cusub ee dowladda Italy u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ambassador Fabrizio Marcelli.
H.E.Buri’ Mohamed Hamza, ayaa kulan la qaatay Safiirka cusub kadib markii uu gudoomay warqadaha aqoonsiga, waxa uu ka sheekeeyay horumarka balaaran ee uu gaaray xiriirka diblomaasiyadeed iyo ganacsi ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga, isagoo muujiyay dadaalka dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu jirto xoojinta xiriir iskaashi oo dhinacya badan leh oo ay la saxiixato dowladda Italy.
Danjire Fabrizio Marcelli ayaa gudbiyay salaan uu ka siday Wasiirka Arrimaha Dibadda Talyaaniga H.E. Federica Mogherini,isagoo carabka ku adkeeyay sida dowladdiisu ay diyaar ugu tahay inay u howlgasho u saldhigidda xiriir xoogan oo saaxiibtinimo iyo iskaashi oo dhexmara labada dal.
Safiirka cusub ee dowladda Talyaaniga ayaa kahor intaan Copy ka mid ah warqadihiisa aqoonsiga danjiranimo laga gudoomin, waxa uu kulamo gaar gaar ah la kala yeeshay agaasinka guud habmaamuuska qaranka Adv. Hersi Haji Olosow iyo Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Mudane Abdullahi Dool Mohamed, waxaana kulamadani goob-joog ka ahaa Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan dalka Talyaaniga ambassador Musse Hassan Abdulle.
Waxaa xusid mudan in dowladda Soomaaliya ay xiriir diblomaasiyadeed la yeelatay dowladda Talyaaniga bilowga bishii July sanadkii 1960-kii, waxaana dowladda Talyaaniga ay ka qeyb qaadatay fulinta mashaariic kala duwan oo lagu horumariyay dalka, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Warshadda sokorta degmada Jowhar, Wakaaladda korontada Xamar, mashaariicda horumarinta beeraha muuska, isbitaalka Martiini, Jaamacadda Ummada, Wadada isku xirta magaalooyinka Boosaaso iyo Garowe, Wadada iskuxirta Magaalooyinka Burco iyo Berbera, Wadada iskuxirta Magaalooyinka Hargeisa iyo Gabiley, mashaariicda horumarinta kaluumeysiga iyo naaxinta xoolaha.