Buri’ Hamza oo ku booriyay Safaaradaha,Jaaliyadaha iyo Qurba-jooga abaabulidda xaflado lagu weyneynayo maalmaha gobonimada 26 June iyo 1 July

0
954

Burci20140627_1Kusimaha Wasiirka ahna Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Buri’ Mohamed Hamza ayaa maanta baaq ujeediyay Jaaliyadaha iyo Qurba-jooga Soomaaliyeed oo uu ku booriyay inay abaabulaan xaflado iyo munaasabado lagu weyneynayo maalmaha Xoriyadda iyo gobonimada dalka ee 26 June iyo 1 July.

H.E. Buri’ Hamza , ayaa sidoo kale faray dhammaan danjirayaasha iyo ergooyinka diblomaasiyadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka uga wakiilka ah dunida dacaladeeda inay kala qeyb-galaan Jaaliyadaha Soomaaliyeed xafladaha ay dhigayaan oo ku aadan munaasabadda 54-guurada ka soo wareegatay markii dalka Soomaaliya uu gobonimada ka kala qaatay gumeystayaashii Ingiriiska iyo Talyaaniga sanadkii 1960-kii.
War-saxaafadeed arrinkan ku qotama oo ka soo baxay Xafiiska Wasiiru dowlaha ayaa u qoran sidan :

Bismillah ar-rahman ar-rahim

Anigoo ka faaideysanaya Munaasabaddan qaaaliga ah ee 26-ka June, maalintii calanka baluuga ah ee Xidigta cad ee shan geesoodka ah ay dhexda kaga taal ee quruxda badan laga taagay dhulka Soomaaliyeed, goboloada Waqooyi ee Soomaaliya ay xoriyadooda heleen, ayaaan waxaan jecelahay in aan halkan hambalyo uga diro dhammaan Ummada Soomaaliyeed meel walbo oo ay joogto gudaha iyo dibadda.

Walaalayaal sida aan wada ogsoonahay gobonimadii la gaaray si fudud laguma helin, dadaal badan oo ay bixiyeen halgamayaashii Soomaaliyeed, isku duubni iyo daacad wadaniyadnimo ku jirto ayey ku timid xuriyaddan maanta aan harsaneyno.

Waxaan ku boorinayaa Ummada Soomaaliyee gaar ahaan Jaaliyadaha iyo Qurbo jooga ee ku nool dalka dibadiisa in ay xusaan maalmahan oo kale oo ay caruurta baraan, una sheegaan gobonimada dalka iyo taariikhda loo soo maaray.

Waxaa muhiim ah in jiilka soo koraya ay bartaan taariikhda dhulkooda, dhaqankooda suuban, luqadooda hooyo iyo diintooda Islaamka, si ay u noqdaan wadaniyiin daacad u ah dalkooda.

Waxaan ku adkeyanayaa Qurbo joogta Soomaaliyeed in ay aad u xusaan, oo ay nooleeyaan maalmaha xuriyadda iyo qaranimada , ayna ka shaqeeyaan horumarinta iyo nabadgalyada dalkooda iyo dadkooda Soomaaliyeed.

Safaaradaha iyo ergada dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaan farayaa in ay ka qeybqaataan xusidda iyo nooleynta Munaasabadahan qaaliga ah ee loo sameynayo maalmaha Xurnimada Soomaaliya.

Wabillahi Towfiiq.

Xildh. Burci Maxamed Xamsa
Wasiiru-dowlaha Wasaaradda.