Cabdifataax Shaaweeye oo loo magacaabay taliye ku-xigeenka nabad-sugidda

0
832

NabadsugidaWareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Cabdifitaax Ibraahim Shaaweeye loogu magacaabay taliye ku-xigeenka ciidanka nabad-sugidda gobolka Banaadir.

Wareegtada lagu magacaabay taliye ku-xigeenka oo soo gaartay Bar-kulan ayaa soo baxday 03 June, 2014.

Cabdifataax ayaa horay u soo noqday guddoomiye ku-xigeenka dhinaca ammaanka ee maamulka gobolka Banaadir intii u dhexaysay sanadihii 2007 ilaa 2009, xilligaas oo uu guddoomiyaha gobolka ahaa Alle ha u naxariistee Maxamed Cumar Xabeeb.

Wuxuu sanadihii dambe ku noolaa dalka Ingiriiska ka hor intii uusan dhowaan ku soo noqon dalka.

Bar-kulan