Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) iyo xubno ka tirsan wasiirrada Puntland ayaa maanta u dhoofay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo ay kaga qayb gali doonana shirar looga hadlayo horumarinta deegaanada Punt-land.
Cabdiweli Gaas, oo saxaafadda kula hadlay garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso ka hor inta uusan dhoofin, ayaa sheegay in mar-tiqaad rasmi ah ay ka heleen dowladda Imaaraadka Carabta.
Cabdiweli Gaas ayaa intaa ku daray in ay Imaaraadka Carabta joogi doonaan muddo shan maalin ah, isla markaana ay kulamo la yeelanayaan mas’uuliyiinta waddankaas, si ay uga wada hadlaan arrimo la xiriira iskaashiga labada dhinac.
Madaxweynaha Punt-land, ayaa sidoo kale sheegay in ay kulamo la qaadan doonaan ganacsatada iyo jaaliyadda Punt-land ee ku sugan Imaaraadka Carabta si la iskula qaadaa dhigo sidii kaalin weyn ay uga cayaari lahaayeen horumarinta deegaanada Punt-land.
Madaxweynaha Puntland ayaa xusay in uu ku rajo weyn yahay in kulamadaas ay ka soo bixi doonaan natiijooyin faa’iido u leh shacabka ku nool deegaannada maamulka Puntland.
Bar-kulan