Cabdiweli iyo Uhuru oo kulmay

0
824

Ra’isal wasaaraha dowladda federaalka ee Soomaaliya Cabdiweli Sheek Axmed, ayaa maanta magaalada Nairobi kulan kula qaatay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Cabdiweli Sheekh Axmed, ayaa la sheegay in uu kala hadlay Uhuru Kenyatta sii adkeyn xiriirka siyaasadeed, dhaqaale iyo amni ee ka dhaxeeya labada dal iyo in Kenya ay xoojiso xiriirka diblumaasiyadeed ee kala dhaxeeya Soomaaliya.

Madaxweynaha Kenya, ayaa uga mahad celiyey ra’isal wasaaraha dadaalkiisa ku aadan horumarinta iska warqabka Kenya iyo Soomaaliya u dhaxeeya, wuxuuna ballan qaaday in ay sii wadi doonaan taageerada ay siiyaan shacabka Soomaaliyeed.

Ra’i’sal wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed oo Khamiistii kulan la qaatay madaxweyne ku xigeenka Kenya, ayaa sheegay in ay labada dowladdood ay isku af-garteen in si wadajir ah xal loogu helo arrimaha qaxootiga Soomaalida ee ku nool Kenya iyo in cadadiska badan laga daayo dadka Soomaaliyeed.

Bar-kulan

AbdiweliAndUhuru20140621_2 AbdiweliAndUhuru20140621_1