Cabsi Laga Qabo Inuu Quuso Markabka Cismaan Geeddi Raage Ee Ku Xiran Cadan

0
1241

markabSomaliBooqasho uu Qunsulka guud ee D.F. Soomaaliya u fadhiya magaalda. Cadan mudane Axmed Cabdi Xassan (Axmed Suudaan ) uu ku tegay dakada caden ee ay ku xiran yihiin maraakiibta Soomaaliyeed oo gaaraya 4, si ugu kuur galo xaaladooda iskuna dul taago dhibaatada ka soo cusboonaatay xaalka maraakiibta .

ayaa warbxin ka dhagaystay waardiyayaasha dul saaran maraakiitaas, kuwaas oo ku wargaliyey in dhibaato wayn ay ka haysato biyo si xawli ah gudaha uga soo galaya mid ka mid maraakiibtaas oo lagu maga caabo Cusmaan Geedi Raage.

Hawlwadeenada ayaa sheegay inay cabsi ka qabaan inuu dago markabkaas hadii aanan wax laga qaban dhibaatada biyahaas oo ka badan kuwa uu saarayo matoorka biyaha lagu bixiyo oo ah mid duq ah.

Sidoo kale hawlwadeennada ayaa qunsulka ka codsaday in qayla dhaantooda uu gaarsiiyo dawladda Soomaaliya gaar ahaan wasaarada ku shaqada leh arimaha maraaakiibta si gurmad lagu badbaadinayo markabkaas loola soo gaaro.

Qunsulka ayaa ka codsaday hawl wadeennadaas inay sii laban laabaan dadaalkooda isagoo xusay in qunsuliyaduna ay ku dadaali doonto inay gacan ka gaysato wax alle iyo wixii karaankeeda ah oo lagu joojinayo biyaha gudaha u soo galaya markabkaas, sidoo kalana ay Wargalin doonaan mas’uuliyiinta dawladda si arintaas wax looga qabto.

Waxaa xusid mudan in dakada Cadan ay ku xiran yihiin 4 markab oo ka mid ah maraakiibtii shirkada Shifo, kuwaas oo ay ku furan tahay dacwad ay ganacsato reer Yemen ah oo ku sheeganaya lacago dayn ah xiligii uu maamulayay maraakiibtan Ing Muunye tan iyo 2007.

 Radio Muqdisho