Dagaal Culus ayaa maanta Duleedka Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxuu ku dhexmaray Ciidamada Dowladda Soomaaliya, Ethiopia ee AMISOM oo isku dhinac ah iyo Ururka Al Shabaab.
Dagaalkan oo ahaa mid Culus ayaa waxuu ka dhacay Degaanada Goofgaduud iyo Shabeelow ee Duleedka Magaalada Baydhabo kadib markii Al Shabaab ay Weerar Xoogan ku qaadeen Fariisimaha Ciidamada DFS iyo AMISOM.
Dhinaca kale, Xaalada Degaanka Kurtun ee Gobolka Bakool deggan kadib markii Dagaal Culus uu halkaasi ku dhexmaray Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo taageero ka helaya kuwa AMISOM iyo Xarakada Al Shabaab.
Taliyaha Ciidamada Booliska ee Gobolka Bakool Maxamed Cismaan Timacade oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Al Shabaab ay Dagaal ku soo qaadeen Degaanka Kurtun oo Saldhig u ah Ciidamada Huwanta ah Isagoona intaa ku daray in la iska caabiyay Weerarkooda.
waxuu Taliyaha xusay in Dagaalkii Degaanka Kurtun Qasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac lagu gaarsiiyay Dagaal yahano ka tirsan Xarakada Al Shabaab oo Weerarka ku soo qaaday Saldhiga Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ee Degaanka Kurtun sida uu hadalka u yiri.
Sikastaba, Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Ethiopia ee AMISOM ayaa dhawaan Dagaal yahano ka tirsan Ururka Al Shabaab waxey Dagaal uga sareen Degaano iyo Degmooyin ka mid ah Gobolada Baay iyo Bakool.
Shabelle