Ciidamada Dowladda iyo AMISOM oo Howl Gallo ka Wada Muqdisho

0
949

Muqdisho20130905_1Ciidamada ammaanka ee dowlda Somalia iyo kuwa midowga Afrika ee AMISOM ayaa saaka howl gallo ammaanka lagu sugayo ka wada xaafado ka mid ah degmooyinka magaalada muqdisho.

Degmooyinka Howl-Wadaag iyo Wardhiigleey ayay saakay waaberigii galeen ciidamadu ayagoo baaraya guryaha iyo dadkaba.

Goob jooge ku sugan degmada HowlWadaag oo lagu magacaabo Zakariye Maxamed Cilmi oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in ciidamada AMISOM iyo kuwa Ammaanka ee dowladdu ay gurayaha u baarayaan mid mid.

Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in howl galkaani uu socon doono si ammaanka magaalada Muqdisho loo xaqiijiyo.

Radio Muqdisho