Hal qof ayaa ku geeriyooday 7 kalena waa ay ku dhaawacmeen gaari waxyaabaha qarxa lagu xiray oo saakay ku qarxay gudaha Isbitaal Keydsaney ee magaalada Muqdisho.
Qaraxaan, ayaa la sheegay in uu sababay dhimashada mid ka mid ah dhaqaatiirta ka howl-galla isbitaalka Al-furqaan oo lagu magacaabi jiray Mahad Cabdixafiid oo marka qaraxa uu dhacayey howlo caafimaad u tagay isbitaalka Keydsaneyn ee magaalada Muqdisho.
Dr Cabdiqadir Xuseen Jimcaale Xoogga, oo uu dhaawac ka soo gaaray qaraxaan, ayaa Radio Bar-kulan u sheegay in dhaawac soo gaaray uu yahay mid fudud.
Dr. Xoogga, ayaa sheegay in uusan garaneyn cidda ka mas’uulka ah qaraxa loogu xiray gaarigiisa, oo la sheegay in xalay uu yaalay gudaha Isbitaalka Keydsaney.
Taliyaha saldhigga booliiska ee degmada Kaaraan gaashaanle dhexe Bocor Xasan Cilmi oo gudaha isbitaalka Keydsaney kula hadlay Radio Bar-kulan, ayaa sheegay in ay ammaanka isbitaalka la wareegeen oo ay baarayaan gudaha isbitaalka.
Goob-joogayaal la hadlay Radio bar-kulan, ayaa sheegay in ay rumeysan yihiin in qaraxaan lala damacsanaa sarkaal ka tirsan maamulka gobolka Banadir oo la sheegay in uu xalay booqday isbitaalka.
Bar-kulan