Dagaal Beeleed markale ka dhacay Gobolka Sh. Hoose

0
966

CeelWareegow1Wararka laga helayo Degaan lagu magacaabo Ceel-Wareegow oo ka tirsan Gobolka Sh.Hoose ayaa sheegaya in Dagaal dhimasho iyo dhaawac geystay uu labo Maleeshiyo Beeleed oo Walaalo ah uu maanta ku dhexmaray Degaankaasi.

Dagaalkan oo mid Culus ayaa la isku adeegsaday hubka Culus iyo midka fudud waxaana ka dhashay Qasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Goobjooge la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Dagaalka uu bilaawaday Saakay islamarkaana uu socday ilaa laga gaaro 6 Duhurnimo waxuuna tilmaamay in uu jiro qasaaro kala duwan.

Cumar Maxamuud Cumar, Gudoomiye ku xigeenka dhanka Arimaha Bulshada ee Maamulka Gobolka Sh.Hoose oo la hadlay Warbaahinta Shabelle ayaa ugu baaqay Maleeshiyaadkaasi in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u joojiyaan Dagaalada ay ka wadaan Degaano ka tirsan Gobolka Sh.Hoose.

Ugu dambeyn, Degaano iyo Degmooyin ka tirsan Gobolka Sh,Hoose waxaa dhawaan ka soo cusboonaaday Dagaal u dhaxeeya labo Maleeshiyo Beeleed oo Walaalo ah kaa oo geystay Qasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Shabelle