Dowladda Jabuuti Oo Shaacisay Magacyada Labadi Qof Ee Ka Dambeysay Qaraxii Dhawaan Ka Dhacay Caasimadda Jabuuti

0
817

DjiboutiMaki Cabdulqaadir oo ah Xeer ilaaliyaha jamhuuriyadda Jabuuti ayaa faah-faahin ka bixiyay baaritaannadi ay dowladda Jabuuti waday ee shalay la soo gabagabeeyay.

Xeer ilaaliye Maki Cabdulqaadir ayaa sheegay in magacyada labadi qof ee ka dambeeyay qaraxi 24-ki bishan ka dhacay Jabuuti, waxaana uu magacyada labada qof ku kala sheegay, Hodan Maxamed Ciise iyo Muuse Rooble Hiraab.

Sidoo kale xeer ilaaliyaha ayaa tilmaamay in labada qof ay Jabuuti soo galeen 22-ki bishaan, waxaana uu tilmaamay in dowladdu ay soo xirtay askarigi lagu sheegay inuu sharciga dal ku galka u fududeeyay labadaasi qof.

Dhanka kale xeer ilaaliyaha ayaa xusay in la soo qabtay dad ay qoraabo ahaayeen labada qof ee isqarxisay islamarkaana ay ku soo dageen, isagoo sheegay in dadkaasi la geyn doono maxkamad.

Muuse Rooble Hiraab ayaa isagu la sheegay inuu kasoo jeedo magaalada Diridhabe, halka Hodan Maxamed Ciise ay iyana kasoo jeedo magaalada Hargeysa.