Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in dagaal saaka ka dhacay duleedka deegaanka Caato ee gobolka Bakool ay ku dishay 46 ka tirsanaa maleeshiyada Al-Shabaab, maxaabiis ahaan-na ay u qabatay 12 ka tirsanaa kooxda.
Guddoomiyaha deegaanka Caato, Dubbad Xasan Cali oo wareysi siiyay Bar-kulan ayaa sheegay inay ciidanka dowladda weerar ku qaadeen tuulada La-helow oo 8 km u jirta deegaanka Caato.
Dubbad ayaa sheegay inay la wareegeen saldhigga Al-Shabaab ay ku lahayd deegaanka, wuxuuna ku gooddiyay inay sii wadi doonaan howlgallada ay ku beegsanayaan kooxda.
Wuxuu sheegay inuusan jirin khasaare soo gaaray dhinacooda. Ma jiraan warar madax-bannaan oo xaqiijinaya khasaaraha rasmiga ah ee uu gaystay dagaalka.
Dagaalka ayaa imaanaya dhowr maalmood kaddib markii dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar gaadmo ah ku qaadeen saldhigyo ciidanka dowladda ay ku leedahay deegaanka Caato, iyagoo dilay toboneeyo ka tirsan ciidanka dowladda iyo kuwa dalka Itoobiya ee halkaas ku sugan.
Bar-kulan