Dowladda oo sheegtay inay sharci darro tahay shirkadaha shidaalka ka baaraya gobolada Soomaaliya

0
1000

OilDrillDowladda soomaaliya ayaa ka baaqsatay ka qeybgalka shir Calami ah oo looga hadli lahaa shidaalka iyo macdanta soomaaliya ayna ka qeybgalayaan shirkado badan oo ah ku daneeya batroolka iyo macdanta ku jirta dalka Soomaaliya.

Sida warku sheegayo Shirkaasi oo looga hadli lahaa shidaalka soomaaliya laguna wadey in horaanta bishaan uu ka dhaco London ayaa dowladda Soomaaliya ay ka baaqatay.

Iyadoo aan si rasmi ah loo ogeyn sababta ay dowladda soomaaliya shirkaasi uga baaqsatay,inkastoo ay jiraan warar sheegaya in dowladdu ay saluugtay qaabka shirkaasia looga qeybgalayo iyo cidda lagu casuumay oo aan iyada lagala tashan, iyadoo sidoo kale aan ku qancin qaabka shirkaasi loo maamulayo.

Wasiirka batroolka iyo macdanta ee dowladda federalka Soomaaliya daa,uud Maxamed Cumar ayaa xaqiijiyey in dowladda soomaaliya aysan shirkaasi ka qeybgaleynin isagoo muujiyey saluug ku aadan qaabka ka qeybgalka shirkaasi iyo doorka dowladda soomaaliya ee shirkaasi inkastoo aanu cadeynin sababta ay shirkaasia uga baaqdeen, waxaana wasiirku uu dhinaca kale ka hadlay shirkadaha meelo badan oo ka mid ah gobolada soomaaliya kawada baaritaalno xagga shidaalka ah, wuxuuna isagoo arrintaasi ka hadlaya uu yiri shirkadahaasi qaab sharci darro ah ayey uga howlgalayaan gobolada soomaaliya,cid aysan dowladda soomaaliya sharci siinna kama shaqeynkarto dhulka jamahuuriyada Soomaaliya.

Wasiirka kheeyraadka iyo macdanta Daa’uud oo arrintaasia ka sii hadlayeyna waxa uu sheegey in xittaa dalalka shirkadahani ay ka diiwaangashanyihiin ay dacwado u gudbiyeen, qaadayaana talaabo kasta oo ay kaga hor istaagayaan hawlahooda sharci darada ah.

Wuxuu sheegay in aysan jirin wax shirkad ah oo ay dowladda qandaraas la gashay ama ogtahay in ay dalka hawlo ka qabanayaan, marka laga reebo shirkad uu sheegey in ay heysto macluumaadkii lumey ee ku saabsanaa xogta shidaalka iyo macdanta Soomaaliya.

Mar wax laga weeydiiyey shirkad lagu magacaabo Kiliminjaro oo sheegtey in ay shidaal baaris ka waddo Soomaaliya, ayuu wasiirka sheegey in wargeysyada uun ka akhriyeen warkaasi, aysanna jirin wax xog ah oo ay ka hayaan warka soo yeeray shirkaddaasi.

Hadalka Wasiirka ayaa ku soo aadaya iyada oo dalka meelo baddan, gaar ahaan maamulada Somaliland iyo Puntland ay shirkado qandaraasyo la galeen oo ay hawshiiba bilaabeen, kuwa cusubna ay soo tafo xeydanayaan.

Warkii.com