Wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda ee xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya, Yuusuf Macallin Amiin (Baadiyow) ayaa sheegay in wasaaraddu ku howlan tahay sidii ay ula soo wareegi lahayd maraakiib Soomaalia leedahayoo ku sugan dalka Yemen.
Wasiirka oo u warramay Bar-kulan ayaa sheegay in wasaaraddu ay sii ambaqaadeyso dadaallo ay horay u sameeyeen dowladihii KMG ahaa ee Soomaaliya, kuwaas oo ay ku doonayeen in ay gacantooda soo galaan maraakiibtaas.
Wasiirka ayaa tilmaamay in maraakiibta qaarkood ay howlgabeen, wuxuuse xusay in ay jiraan kuwo shaqeeya, oo ay doonayaan in ay kala xaajoodaan ganacsato gacanta ku heysa xilligan.
Dhinaca kale, wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda ee xukuumadda Soomaaliya, Yuusuf Baadiyoow ayaa sheegay in la midaen doono maamullada dekedaha Soomaaliya, iyadoo loo marayo sharciga.
Bar-kulan