Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya C/weli Sheekh Axmed Max’ed oo dhawaan gaaray dalka Ethiopia ayaa sheegay in dhigiisa Ethiopia uu kala hadlay in ay iska kaashadaan sugida Nabad Gelyada dalka Soomaaliya.
Mr C/weli Sheekh Axmed ayaa sheegay in ay isku afgarteen Dhigiisa Ethiopia in sahayda gar gaar ammaankooda lagu wareejiyo Ciidamada Ethiopia si dadkii loogu talagalay qaab Nabad Gelyo ah loogu gaarsiiyo.
Deegaanno iyo degmooyin Gobolka dalka ayaa Al Shabaab ay jareen jidadkii galayay iyo kuwii ka soo baxay taas oo caqabad ku hor gudban ku noqotay gaadiidka sahayda gar gaar u sida shacabka deegaanadaasi.
Lama oga tallaabada dowladda Soomaaliya ee ay Ciidanka Ethiopia howshaasi ugu xil saartay waxa ay k bedeli doonto dhibaatooyinkii ka jiray deegaanada Al Shabaab lagala wareegay ee qaar ka mid ah Gobollada dalka ku yaalla.
Warkii