Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo ballanqaaday taageero, uguna baaqay Soomaalida inay midoobaan si horumar loo gaaro

0
802

NicholasKay20140119_1Isagoo ka hadlaya xaflad loo qabtay dabbaaldegga sannadguuradii koowaad ee ka soo wareegtay tan iyo markii la furay Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM), Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay, ayaa ballanqaaday in Qaramada Midoobay ay sii wadi doonto taageerada ay u fidiso Soomaaliya, wuxuuna ugu baaqay Soomaalida inay dardargeliyaan horumarka laga gaarayo nabadda iyo dowlad dhisidda.

Isagoo munaasabadda ka hadlaya, Ku-Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Siyaasadda, Jeffrey Feltman, wuxuu yiri: “Sannad ka dib tan iyo markii ay Dowladda Federaalka Soomaaliya weydiisatay Qaramada Midoobay inay ka kaalmeyso isku dubbaridka kaalmada caalamiga iyadoo dalku ka soo baxayo tobaneeyo sanno oo colaad ah, UNSOM wuxuu xafiisyo ka furtay gobollada dalka. Maanta, bahda Qaramada Midoobay waxay si aad ah u joogtaa gudaha Soomaaliya, joogitaankaasoo ah kii ugu ballaarnaa sideed iyo tobankii sanno ee ugu danbeysay. Tani waa caddeyn la taaban karo oo muujinaysa sida adag ee ay nooga go’antahay inaan sii wadno la shaqaynta Soomaalida iyagoo ku hawlan nabadeynta iyo dib u dhiska dalkooda.”

“Soomaaliya waxay sannadkii tagay horumar muhim ah ka gaartay dhanka siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga laakiin waxaa weli harsan wax intaa ka badan oo u baahan in la qabto, waxaana ka mid ah horumarinta nidaamka federaalka, dib u eegidda dastuurka ku meelgaarka iyo diyaarinta doorashooyinka sannadka 2016”, ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Nicholas Kay. “Dadka Soomaaliyeed waxay filanayaan wax badan, waqtiguna wuu yaryahay. Waxaan ugu baaqayaa dhammaan madaxda Soomaalida iyo hay’adaha dowladda inay midoobaan si loo gaaro danta guud ee Soomaaliya. Waxaa jirta shaqo badan oo u baahan in la qabto inta u dhexeysa hadda iyo sannadka 2016. Taageerada caalamiga ee lagu bixiyo nabadda iyo dowlad dhisidda Soomaaliya waxaa hagi doona mabaadi’da lahaanshaha iyo hogaanka Soomaaliyeed iyo dhowridda dastuurka ku meelgaarka”, ayuu raaciyay.

Fiiro Gaar ah oo ku socota tifaftirayaasha
UNSOM waxaa asaasay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay 3dii June 2013. UNSOM wuxuu ka hawlgalaa gudaha Soomaaliya waxaana loo xilsaaray inuu Dowladda Federaalka Soomaaliya ku taageero ajenaheeda ku aaddan nabadda iyo dowlad dhisidda, oo ay ka midyihiin hanaanka federaalka, dib u eegidda dastuurka ku meelgaarka iyo doorashooyinka sannadka 2016ka. Sidoo kale wuxuu ka shaqeeyaa xoojinta hay’adaha amniga Soomaaliya, horumarinta iyo dhowridda xuquuqda aadanaha iyo awoodsiinta haweenka, wuxuuna kaalmo ka geystaa iskudubbaridka gargaarka caalamiga. Qaraarka Golaha Amaanka ee tirsigiisu yahay 2158 (2014) ayaa cusbooneysiiyay xilka UNSOM oo hal sanno oo dheeraad ah ku kordhiyay 29kii May 2014.