Ergeyga Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya oo ku baaqay in la joojiyo colaada ka taagan Shabeelada Hoose

0
928

NicholasKeyErgeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya (SRSG), Nicholas Kay, ayaa walaac ka muujiyay dagaal beeleedka ka socdo gobolka Shabeelada Hoose kaas oo sababay in tiro dad ah ay wax ku noqdaan.

“Waxaan ku baaqayaa in si deg-deg ah loo joojiyo colaada ka socoto halkaas. Waa in dhinacyada arrintu khuseysana ay ka joogsadaan falalka dagaalka, ayna si dhakhso leh u sameeyaan dadaal ay ku daminayaan xaaladda, kuna xallinayaan khilaafkooda, ayagoo u maraayo si nabad iyo isu-tanaasul ku dheehantahay.”

“Waxaan soo dhoweynayaa dadaalka uu sameeyay Ra’isul Wasaaraha, Cabdiweli Sheekh Axmed, kaas oo lagu daminaayo xasaradda halkaas ka taagan, laguna soo celinaayo xasiloonida. Waxaan ugu baaqayaa dhinacyada in ay ixtiraamaan baaqa ka soo yeeray Ra’isul Wasaaraha, kaas oo dalbanayo in colaada si deg-deg ah loo joojiyo loona hogaansanaado wafdiga wasiirada ah ee loo diray Gobolkass. Dadka Soomaaliyeed in ku fulan ayey soo dhibtoodeen waxayna ogyihiin in wax wanaag ah aanay ka imaaneyn colaad iyo amni xumo hor leh oo hadda la galo. Waxaan diyaar u nahay in aan ka qeyb qaadano wixi dhexdhexaadin ah” ayuu yiri SRSG Kay.