Faah Faahin: Dagaal Beeleed ka dhacay Degaano ka tirsan Gobolka Galgaduud

0
1152
Markacadeey.com

Markacadeey.comWararka naga soo gaaraya inta u dhaxeysa Degaano iyo Degmooyin ka tirsan Gobolka Galgaduud, sida Xiin-dheere iyo Dhuuso-mareeb waxey ku waramayaan in faah faahino dheeraad ah ay ka soo baxayaan qasaaraha ka dhashay Dagaal Labo maleeshiyo Beeleed ku dhexmaray Degaano hoostag Xiin-dheere iyo Dhuubso-mareeb.

Wararkii ugu dambeeyay ee na soo gaaray ayaa sheegaya in inka badan 7 Ruux oo dhinaxyadii Dagaalmay ahaa in ay ku dhinteen, tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen sida Goobjoogayaal ay u sheegeen Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho.

Dagaaladan oo maalmihii u dambeeyay ka dhacay Degaano iyo Degmooyin hoostaga Gobolka Galgaduud ayaa waxuu u dhaxeeyaa Labo Maleeshiyo Beeleed oo Walaalo ah kuwaasi oo isku heystay Dul-daaqsimeed.

Odayaal iyo Waxgarad siyaabo kala duwan ula soo xiriiray Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in loo baahan yahay in la joojiyo Colaada ka aloosan Degaano ka tirsan Gobolka Galgaduud.

Ilaa iyo hada waxa socda waan waan iyo isu keeneda labada Maleeshiyo beeleed maadaama Dagaaladu ay qasaaro kala duwan u geysteen labada dhinac iyo Dadka Degaanka.

Shabelle