Fiidnimadii xalay ayaa Maleeshiyaad Hubeysan waxa ay weerar ku qaadeen Guri uu degan yahay Guddoomiyaha deegaanka Shalaanbood ee Gobolka Shabeelaha Hoose weerarkaas oo ay ku dhimatay gabar uu dhalay guddoomiyaha deegaanka Shalaanbood iyadoo sidoo kale ay ku dhaawacmeen caruur yar yar oo xilligaas guriga ku sugnaa.
Guriga la weeraray oo xilliga weerarku uu dhacayay aanu joogin wax ilaalo ah ayaa Maleeshiyaadku waxa ay sidoo kale qaateen lacago iyo agab yiilay guriga.
Markii ay ka sii dhamaanayeen guriga Maleeshiyaadka weerarka soo qaaday ayaa waxaa yimid iyana guriga Guddoomiyaha deegaanka Shalaanbood iyo Ciidamo la socday kuwaas oo iska hor’imaad kooban la galay Maleeshiyaadkaasi.
Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ayaa kala gaaray Maleeshiyadii weerarka soo qaaday iyo ilaalada Guddoomiyaha deegaanka Shalaanbood ee Gobolka Shabeelaha Hoose inkastoo xaddigeed aan si dhab ah loo xaqiijin Karin xilliga oo habeen ahayd aawgeed.
Guddoomiyaha degmada Marka ee Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose Max’ed Cismaan Cali Yariisow oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa qiray in uu wax ka ogaa weerarka lagu qaaday Guriga Guddoomiyaha deegaanka Shalaanbod balse uu ka horeeyay weerar Ciidamo taabacsan Guddoomiyaha Shalaanbood ay ku qaadeen Deegaanka Ceeljaalle ee Gobolka Shabeelaha Hoose kaas oo ay ku dileen 4 qof oo rayid ah tiro intaasi kabadanna ay ku dhaawacmeen sida uu hadalka u dhigay.
Shabelle