Inta la xaqiijiyey Hal askari oo ahaa darawalkii gaariga ayaa dhaawac sahlan uu kasoo gaaray Gaariigiina Burbur ayaa soo gaaray ka dib markii Saaka Subaxnimadii 07:30 AM bam gacanta laga tuuray lagu weeraray Gaari ay saarnaayeen kulonyo ka tirsan Ciidanka Birmad ee Ammaanka Magaalada Gaalkacyo, waxaana Wararku intaas ku darayaan in qofkii Bam gacmeedka tuurey uu u cararay dhinaca Koonfureed ee Maamulka Galmudug.
Taliyaha Ciidanka Booliiska Gobolka Mudug Gaashaanle Sare C/laahi Shire Dool oo Allpuntland la hadlay ayaa u sheegay in Qaraxa wax khasaare ah oo intaas ka badan uusan ka dhalan, hadana ay baaritaan ku samaynayaan Cidda sida rasmiga ah uga dambaysay, dhinaca Maamulka Galmudugna ay waydiin doonaan in ay jawaab ka bixiyaan ruuxa Bambada tuurey ee dhinacooda u baxsaday.
Qaraxaan ayaa Ciidanka Birmadka lagula eegtay Agagaarka Iskuulka umadda ee xaafadda Garsoor, iyadoo laga maqlay Xaafadaha Magaalada Gaalkacyo intooda, waxaana Ciidanka lala eegtay xilli ay shaqadooda subaxnimo ku guda jireen.
Ma jiro wax khasaare ah oo dhaaf siisan askariga firirka yar uu soo gaaray iyo Gaariga Ciidanka ee Bur buray.
Allpuntland