Sida uu sheegayGoobjooge, Kooxo hubeysan ayaa Garsooraha Maxkamada Degmada Wardhiigley ee Gobolka Banaadir waxey ku toogteen Degmada Waabari ee Magaalada Muqdisho.
Garsoorahan oo lagu magacaabi jiray Ibraahin Xasan Maxamed ayaa Dabley ku hubeysnaa Bistoolado waxaa ay ku Dileen Degmada Waabari ee Gobolka Banaadir Iyadoona Dilka kadib Kooxahaasi ay isaga baxsadeen goobta.
Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa goobta soo gaaray waxaana ay bilaabeen howlgallo ballaaran oo lagu xaqiijinayo amaanka islamarkaana lagu baadi gaabayo Kooxihii Dilka Garoorka ka dambeeyay inkastoo wali aan Cid loo soo qaban.
Gudoomiyaha Degmada Waabari, Axmed Muumin Maxamed oo Caawa la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa u xaqiijiyay Dilka Ibraahin Xasan Maxamed, Garsoorihii Maxkamada Degmada Wardhiigley ee Gobolka Banaadir.
Ilaa iyo hada Cid sheegatay majirto Mas’uuliyada Weerarkii Caawa lagu Dilay Garsoorihii Maxkamada Degmada Wardhiigley ee Gobolka Banaadir.
Shabelle