Guddoomiyaha Xamarweyne oo ka Warbixiyay Ammaanka Degmada

0
1011

GudoomiyahaXamarweyne20140603Gudoomiyaha dagmada Xamar Weyne ee gobolka Banaadir Cabdulqaadir Maxamed Cabdulqaadir oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa shegay in amaanka dagmada Xamar Weyne uu aad u wanaagsan yahay islamarkaana howlgallo joogta ah ay ka sameyaan ciidamada ammaanka xaafadaha dagmadaasi.

Degmadan ayaa horay looga mamnuucay in hub lagu dhex wato taas oo looga dan lahaa howl gal guud oo dib loogu soo celinayo ammaanka magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha degmada ayaa intaa raaciyay in ciidamadu ay habeen iyo maalin ay wadaan howl gallo lagu sugayo ammaanka dadka iyo goobaha ganacsi ee ku yaalla degmadaasi.

Bishii hore dhowr qarax ayaa ka dhacday degmada, kuwaas oo loo adeegsaday Miino gaari loogu xiray masuuliyiin ka tirsan dowladda oo ay ku jireen xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Radio Muqdisho