Gudiga Baarlamanka u qaabilsan Dastuurka oo Rajo Xumo muujiyey

0
965

MaryanCariif20140530Gudoomiyaha Gudiga Baarlamaanka Soomaaliya u qaabilsan Dastuurka Qebyada ah Maryan Qaasim Cariif ayaa sheegtay in ay Adag tahay in Sanadka 2016 Afti dadweyne laga Qaado Dadka Soomaaliyeed.

Maryan Qaasim carfiif ayaa sheegtay in marka hore loo baahan yahay in la tiro Koobo Dadka Soomaaliyeed iyo Degmooyinka ay ku nool yihiin ,taasna aysan muuqan xiligaan,oo meelo badan ay haystaan Maleeshiyada Kooxda Al-shabaab.

Gudoomiyaha Gudiga Baarlamaanka Ee Dastuurka ayaa intaa ku dartay in ay u muuqato Aragti ah in Sanadka 2016 aan Dadka Soomaaliyeed,aysan Codkooda siin karan Qofkii ay Doonayaan in ay U codeeyaan,taasna ay ka horeyso in Dadka la wacyi galiyo oo laga Dhaadhiciyo waxa uu yahay dastuur.

Sidoo kale waxaa ay sheegtay in ay la shaqeeyn doonaan Gudiga madaxa banaan ee Dib u Eegista Dastuurka ku sameenaya islamarkaana ay Xukumadda Federaalka Soomaaliya Magacowday.

Hadalka Gudoomiyaha Baarlamaanaka uqaabilsan dastuurka ayaa imaanaya xili Madaxda Dalka ay sheegaan in sanadka 2016,Dalka Soomaaliya ay ka Dhacayso Doorasho madaxbanbaan oo Qof walba uu Cidii uu doono uu u Codeenayo.

Warkii