Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Kormeeray Siminaar Guddiga Dastuurka Ee Baarlamaanka Uga Soconaya Kampala

0
1228

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa maanta kormeeray siminaar Guddiga Dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka Soomaaliya uga soconaya magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda.

Ugu horeyn waxaa Gudoomiyaha warbixin ka siiyey qaabka uu siminaarkan u socdo Xoghayaha Guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka XIldhibaan Ibraahin Saalax (Deyfullah) oo tilmaamay in guddiga Dastuurka laga soo bilaabo 3-June ilaa maanta ay ka shaqeeyeen dib u eegista ku dhowaad 10 cutub oo ka tirsan Dastuurka KMGka ah ee dalka u degsan islamarkaana ay howlo kale oo badan u harsan yihiin.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo la hadlay xubnaha Guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka ayaa ugu horeyn guddiga xasuusiyey howsha adag ee hortaala iyo mudada kooban ee ay heystaan maadaama Dastuurkan oo lagu ansixiyo afti dadweyne ay lagama maarmaan u tahay in dalkan ay ka dhacdo doorasho xor ah sanadka 2016ka.

Siminaarkan oo guddiga dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka uga furmay hotelka Imperial Beach oo ku dhow garoonka diyaaradaha Entebbe ee magaalada Kampala ayaa waxaa soo qabanqaabiyey hay’adda Max Plan Foundation waxaana uusoo gebageboobi doonaa 11ka bishan June ayadoo mudada uu socdana ay guddigu isla eegi doonaan habraaca loo marayo wax ka bedelka dastuurka, dib u eegistiisa iyo Cutubyada u baahan wax ka bedelka.

Jawaari20140607_4 Jawaari20140607_5 Jawaari20140607_1 Jawaari20140607_2 Jawaari20140607_3