Gudoomiye Muungaab Iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Oo Saaka u Ambabaxay Dalka Turkiga

0
834

Muungaab20140303_1Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Max’ed Xuseen “Muungaab” iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saaka ka duulay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, iyagoo ku sii jeeda dalka Turkiga.

Mudane Xasan Max’ed Xuseen “Muungaab” gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa wafdiga uu hogaaminayo waxaa ka mid ah Injineerro Soomaaliyeed.

Booqashada gudoomiye Muungaab ayaa ka dambeysay Casuumaad uu ka helay madaxda dalka Turkiga.

Sidoo kale safarka gudoomiyaha ayaa qeyb ka ah qorshaha Mataaneeynta Muqdisho iyo Istambuul.

Safarka gudoomiyah G/Banaadir ayaa ah markii ugu horeysay oo uu Dalka ka baxo, tan iyo markii xilka loo magacaabay.

Radio Muqdisho