Ilaa 15 Gaari oo mucaawino ah oo loogu talo galey Gobolka Bakool oo ku xaniban Baydhabo mudo

0
765

baydhabo3Ilaa 15 gaari oo Raashinkii gar-gaarka ah oo Dowladda Soomaaliya ay ugu talo gashay Gobalka Bakool ayaa weli ku xaniban Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Baay muddo ku siman hal bil sida ay xaqiijiyeen qaar kamid ah Guddoomiyeyaasha Gobalka Bakool.

Gudoomiyaha Degmada Yeed ee Gobalka Bakool Cabdi Saaqid Duwane ayaa sheegay in weli raashinka uu ku xaniban yahay magaalada Baydhabo oo Dowladda Soomaaliya aysan ugalbin Gobalka Bakool.

Muddo kusiman bil ayuu sheegay Cabdi Saaqid in raashinka uu yaalo Magaalada Baydhabo waxaana gaadiidka raashinkaasi uu ku raran yahay uu ku sheegay inay gaarayaan ilaa 18-gaadiid oo nooca xamuulka qaada ah.

Guddoomiyaha Degmada Xudur ayaa horay usheegay in raashinka sababta uu uxaniban yahay ay tahay in wadooyinkii lasoo marsiin lahaa roobab ay ka da’een oo gaadiidka aan la marsiin Karin.

Warkii.com