War qaraal ah oo ka soo baxay Xafiiska arrimaha dibada dowladda Ingiriiska ayaa waxaaa looga digay Weeraro ay Xarakada Shabaab ee Soomaaliya ka geysato dalka Jabuuti iyo wadamadda kale ee Ciidamada ay ka jogaan dalka Soomaaliya.
Ingiriiska ayaa sheegay in uu helay warar lagu kalsoonaan karo oo muujinaya in Dhaq dhaqaaqa Shabaab ay maleegeyso weeraro ay ka fuliso dalka Jabuuti oo qaar ka mid ah lala bartilmaameedsan karo dadka Reer galbeedka ka soo jeeda ee Jabuuti ku sugan dalka jabuuti.
Bayaanka ka soo baxay Ingiriiska ee uu soo saaray Xafiiskeeda Arrimaha dibada ayaa wxaaa loogu baaqay dowladda Jabuuti in ay ka feejignaato weeararadda argagaxiso ee Shabaab ay qorshaynayaan in dalkeeda mar kale ay ka fuliyaan .
Britain ayaa sidoo kale uga digtay dalalka kenya , Uganda , Seri loan, iyo Ethiopia, in ay xoojiyaan amaankooda inta lagu guda jiro koobka aduunka oo sida dowladda Ingiriisku sheegtay ay macquul tahay in la bartilmaameedsado goobaha dadku ay isugu yimadeen oo kubadda lagu daawanayo.
Dowlada Jabuuti ayaa qayb ka ah wadamada ay Ciidamada ay ka jogaan dalka Soomaaliya, iyadoo ay xusid mudantahay in bishii la soo dhaafay ay ka dhaceen Maqaaxi Reer galbeedka ay isugu yimadaan oo Jabuuti ku taala qaraxyo ismiidaamin ah kuwaas oo qasaaro dhaliyay.
Shabelle