Iska Hor’imaadka ayaa yimid kadib markii Kooxo Hubeysan ay weerar ku qaadeen Fariisin Ciidanka dowladda ay ku lahaayeen Nawaaxiga Miisaanka Dhuxusha ee Xaafadda Towfiiq Degmada Yaaqshid ee Gobolka Banaadir.
Inkastoo Iska Hor’imaadku muddo saacado ah uu socday hadana ma cadda khasaaraha Rasmiga ah ee uu geystay iyadoo xiriiro aan la sameynay Maamulka degmada Yaaqshid ay ka gaabsadeen in ay wax faah faahin ah ka bixiyaan iska hor’imaadkaasi.
Dadka deegaanka ayaa Shabelle u xaqiijiyay in iska hor’imaadku uu geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah walow aaney cayimin.
Ciiidamada dowladda Soomaaliya ayaa saaka howl gallo ka wada Xaafadda Towfiiq ee degmada Yaaqshid oo xalay iska hor’imaadku uu ka dhacay.
Shabelle