Kenya oo markale soo cusbooneysiisay damaceedii badda Somaaliya

0
1497

SomaliKenyaFlagsQaar ka mid ah wargeysyada ka soo baxa dalka Kenya ayaa shalay bogagooda hore kus oo daabacay in dowladda Kenya ay ku rajo weyntahay inay dowladda Soomaaliya kula heshiiso sahminta kheyraadka ku xeeran goobaha ay horay labada dal isugu khilaafeen ee Badweynta India oo hadda ay Kenya ka waddo howlo iyada u gaar ah.

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa horay Qaramad Midoobay ugu gudbiyey dukumentiyo ay ku dalbanayaan in la soo cadeeyo xuduud badeedka labada dal, dowladdii uu hogaaminayay Madaxweynihii hore ee KMG ahaa Sheekh Shariif ayaa dowladd Kenya la saxiixatay heshiis is faham ah oo dhinaca xuduuda baddaa ahaa, laakiin Baarlamaankii KMG ahaa ee Soomaaliya ayaa gaashaanka u daruuray.
DowladdaSoomaaliya ayaa sanadkii 2012-dii waxay ku eedaysay Kenya inay wado qorshayaal ay shidaal kaga baareyso xeebaha Soomaaliya, iyadoo Kenya ay si cad u beenisay eedaymahaas, iyadoo sheegaysa in xeebahaas ay yihiin kuwo iyada ay leedahay.

Qaramada Midoobay ayaa laga soo xigtay in dhammaan labada dal xaduudka badda loo ogolyahay inay isticmaalaan 200 mayl kuwaas oo leh ujeedooyin dhaqaale, isla markaana aanu dalna fargelin ku sameyn xeebaha dalka kale, qodobada caalamka u degsan ee dhinaca badaha ayaa ah 200 oo mayl, iyadoo uu dal walba kheyraadka ka soo saaran karo xeebaha dalkiisa, isagoo aan wax xadgudub ah ku sameynayn xeebaha dalalka ay deriska yihiin.

Warkii.com