Khilaafkaan siyaasadeed ayaa Cirka isku sii shareeray kadib markii Munaasabad ay ka qeyb galeen Madaxda sare ee dalka dowladdu ku aqoonsatay Maamul Goboleedka Koofur Galbeed ee Seddexda Gobol kaas oo matali doona Gobollada Bay , Bakool iyo Shabeelaha Hoose.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya C/weli Sheekh Axmed Max’ed ayaa sheegay in la isku waafaqay in la sameeyo Maamul Lagu Magacaabo Koofur Galbeed oo Seddex Gobol ka kooban dowladuna ay taageereyso sida uu hadalka u dhigay.
Wasiirka arrimaha gudaha dowladda Soomaaliya C/llaahi Goodax Barre oo 24 kii bishaan ka hadlay aqoonsiga dowladda ee Maamul Goboleedkaasi ayaa sheegay in Wasaaraddiisa oo howshaasi lahayd aanu waxba kala socon ayna ka soo horjeedaan isagoo ku tilmaamay wax sharciga ka baxsan.
Wakiilka IGAD u fadhiya Soomaaliya Ambassador Max’ed Cabdi Afeey oo ka hadlay Heshiiskaan la sheegay in ay gaareen Maamulada Seddexda Gobol iyo Lixda Gobo lee Koofur Galbeed ayaa sheegay in isagu uu damaanad qaadayo fulintiisa cid kasta oo ka hortimaadama tallaabo ku haboon laga qaadi doono sida uu hadalka u dhigay.
Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa iyana uu sameyn ku yeeshay muran siyaasadeedkaan oo qaar ka mid ah ay qabaan in Madaxda dowladdu ay ku qaldameen aqoonsiga Maamulka Seddexda Gobol laakiin howshaasi ay leeyihiin Golaha Baarlamaanka.
Shabelle