Khilaafka u dhaxeeya Madaxweyne Xasan iyo Ra’iisul Wasaare C.wali oo cirka isku shareeray

0
931

XasanSheekhAndSaacid20140528Kadib markii uu Xilka iska casilay Wasiirkii hore ee Amniga ee Xukuumadda Soomaaliya C.kariin Xuseen Guuleed, Ra’iisul Wasaarahana uu qorsheeyay in isku shaadheyn uu ku sameeyo Golahiisa Wasiirada ayaa kala aragti duwanaasho iyo ismaan-dhaaf waxuu soo kala dhex galay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dhowr jeer oo hore ayaa waxaa jiray Kulamo Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha ay isugu yimaadaan kuwaasi oo fashil ku dhamaaday kadib markii dhinacyadaasi ay is fahmiwaayeen.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekkh Maxamuud oo ka hadlay Shalay Kulan ka dhacay Magaalada Muqdisho oo lagu maamuusayay 1 Sano guuradii ka soo wareegatay Xiligii la aas aasay Xafiiska Siyaasada Qaramada Midoobay ee Somalia ee UNSOM ayaa Madaxweynaha waxuu si kooban uga hadlay Khilaafka iyo kala aragti duwanaanshaha soo kala dhex galay Madaxda Dowladda.

Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Soomaaliya oo markaasi kadib ka qeyb galay Kulan Baarlamaanka uu Muqdisho ku yeeshay islamarkaana Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya goobjoog uu ka ahaa ayaa waxuu sheegay in Dowladda muddadii ay jirtay kala aragti duwanaasho iyo Khilaaf Siyaasadeed dhowr jeer ay soo martay laakiin Baarlamaanka Soomaaliya uu wax badan ka badalay, baarlamaankana looga baahan yahay in sidii hore uu haatana wax uga badalo.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Khilaafka Siyaasadeed uu kala dhaxeeyo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa isna ka hadlay Kulan baarlamaanka ay ku yeesheen magaalada Muqdisho.

C.wali Sheekh Axmed Maxamed, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya aan ku dheeraan Khilaafka Siyaasadeed ee ka dhex ololsan Madaxda Dowladda Soomaaliya sida uu ugu hadalay Madaxweynaha ayaa waxuu sheegay in Awooda Dalka ay ki jirto Golaha Baarlamaanka sida uu hadalka u yiri loona baahan yahay abuuritaanka Jawi siyaasadeed.

Khilaafka Siyaasadeed ee ka dhex taagan Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wali si rasmi ah aan u saldhigan maadaama ay dhowrjeer oo hore ay fashilmeen Kulamo kala duwan oo ay isugu yimaadeen.

Shabelle