Kolonyo Ciidanka Ethiopia ah oo lagu weeraray Bakool

0
910

EthiopianArmy20140122Wararka aynu ka heleyno deegaanno Hoostaga DegmadaWaajid ee Gobolka Bakool ayaa ku soo warramaya in Kolnyo Gaadiid ah oo ay wateen Ciidamada Ethiopia oo ay la socdeen gawaari sahay gar gaar siday Kooxo Hubeysan weerareen.

Weerarka kadib oo uu dagaal dhexmaray Ciidamada Ethiopia iyo dagaalamayaashii Hubeysnaa ee weerarka ku qaaday ayaa inta la hubo waxaa khasaaro uu ka soo gaaray Labo Gaadiidka Ciidamada Ethiopia ay wateen ahaa hayeeshee ma cadda khasaaraha nafeed ama dhaawac ee ka dhashay dagaalka.

Kolonyada la weeraray oo ku sii jeeday Degmada Waajid ee Gobolka Bakool ayaa ka soo ambabaxay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay.

Al Shabaab ayaa Muddooyinkii dambe xannibay waddooyinka gala deegaanno iyo degmooyin Gobollada dalka ah oo lagala wareegay gacan ku heyntooda.

Shabelle