Iyadoo lagu guda jiro todobaadka xoriyada ayaa waxaa garoonka Banaadiar ka dhcaday ciyaar lagu maamuusayay Maalinta 26-ka June oo ah Maalinta ay xuroobeen gobolada Waqooyi ee dalka.
Ciyaartan oo u dhaxaysay xulka qaranka 20-jirada iyo kooxda Banaadir Sports Club oo ah kooxda ku guulaysatay horyaalkii dhamaaday waxaa soo agaasimay Maamulka gobolka Banaadir.
Daawashada Ciyaartan waxaa ka qayb galay Maamulka gobolka Banadiir oo uu ugu horeeyo Gudomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Xasan Maxamed Xuseen Muungaab Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga Dr. Qaalid Cumar Cali, ku simaha R/wasaaraha iyo Madaxda Xiriirka Kubada cagta.
Ciyaartan oo ahayd mid aad u xiiso bdan ayay ladaba koox soo bandhigeen ciyaar wanaagsan waxaana aaqirkii 3-2 guusha ay ku raacday kooxda Banaadri Sports Club .
Markii ay ciyaarta soo idlaatay waxaa halkaas ka hadlay gudoomiyaha gobolka oo u mahad celiyay labada kooxood iyo Xiriirka kubadd cagta oo ka qayb qaadaty suura galinta ciyaartan, gudoomiye Muungaab ayaa dhanka kale sheegay in ay socon doonaan munaasabadaha todobaadkan.
Gudoomiyaha XSKC Cali Sacid Guuleed ayaa tilmaamay in XSKC uu markasta diyaar uu yahay In uu ka qayb qaato Munaasabadaha ku wayn quluubta umadda Soomaaliyeed oo ay ugu horayso 26-ka June Taana ay tahay mid xiriirka ka go’an.
R/wasraare ku xigeenka ahna wasirka Owqaafta iyo Diinta Ridwaan Xersi Maxamed oo isna goobta ka hadlay aya sheegay munaasabda 26-ka june ay tahay munaasabad ku wayn qof kasta oo soomaali ah ayna muhiim tahay in laga wada qayb qaato isagoo u mahadceliyay labada koox xulka da’yarta iyo Koxda Banaadir, waxuuna u hamabyeeyay kooxda Banaadir Sports Club oo uu gudoonsiiyay koobki munasabda.
RadioMuqdisho