Weerarkaan Lagu Boobay Goobaha Ganacsiga Soomaalida ayaa Waxaa uu Ka Dhacay Tuulo Ku Taala Magaalada Pretoria Ee Caasimada Dalka South africa waxaana Lagu Boobay In Ka Badan 20 Dukaan oo ay Lahaayeen Muwaadiniin Soomaali ah Kuwaa oo ay Cagta Mariyeen Shacab South africaan ah.
Arinkaan ayaa Yimid Kadib Markii Muran uu Dhax maray Ganacsatada Soomaalida Iyo Rag South africaan ah Oo Sida La Sheegay Cabsanaa Waxaa Murankooda Oo Markii Dambe Gaaray In Dhalinyaro South africaan ah Ay Kuso Baxaan Isla Markaana Sidaa Uu Ku Bilowday Rabshadaha Lagu Boobay Gobaha Ganacsiga.
Intaa ay Socdeen Rabshadahaa Waxaa Ku Dhintay Hal Ruux Oo Soomaali ah Waxaa Sido Kale Dhaawac Usoo Gaaray Lix ka ka mid ah Dhalinyarada Soomaalida Oo Ayaga Ku Jiray Dadaal Ay Isku Badbaadinayeen Naftooda Iyo Hantidooda.
Marxuumka Geeriyooday Oo Lagu Magacaabi Jiray Shariif Shukri Cabdi Xuseen waxaa uu Halkaasi u Tagay Gurmad Uu Sameynayay Dhalinyaro Soomaali ah Balse waxaa uu Dhaxda u galay kooxahii Wax Boobayay Kuwaa Oo Qabtay Isla Markaana Dilay waxaana Maydkiisa Saakay Laga helay Meel Duur ah ayada oo la Rumeysan yahay In Dilkiisa Loo Adeegsaday Budad Iyo Biro Sida uu Radio Muqdisho u Sheegay Gudoomiyaha Jaaliyada somali association of south africa Abdirahmaan Raabi
Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi koonfur Afrika ayaa waxa ay la kulamaan dhibaatooyin xanuun badan oo isugu jira dhac, dil iyo cabsi gelin joogta ah, waxaana naftooda ku waayay boqollaal Soomaali ah oo halkaasi ganacsi tagtay.
Radio Muqdisho